![]() |
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Hanad Ruqiyo Cali Cabdulle oo maanta Shir Jaraa'id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa Sheegtay in xeebta Jasiira ee duleedka Muqdisho ay ku soo caarisay Haan xiran oo la rumeeysanyahay in ay ku jirto sunta wadamada hore u maray ay ku soo daadiyaan xeebaha Somaaliya, iyadoo uga digtay kaluumeeysatada iyo Shacabka in ay ka fogaadaan halkaasi.
Gudoomiyaha Ururkaasi ayaa ugu baaqay Dowlada KMG in ay wax ka qabato arinta ku saabsan suntan lagu daadinayo biyaha Soomaaliya taas oo wax u dhimi karta dadka iyo deegaankaba.
Sidoo kale beesha caalamka ayeey ku eedeeysay in ay wax ka qaban la’yihiin Suntan wadamada Warshadaha hore ugu maray ay ku soo daadinayaan biyaha Soomaaliya, xilli Maraakiib dagaal ay ku suganyihii Badda Soomaaliya kuwaas oo sida ay sheegtay howlgal caalami ah oo lagula dagaalamayo Burcad Badeeda Soomaalida ah halkaasi u jooga.
Shirka Jaraa'id oo ay qabatay Gudoomiyaha Ururka haweenka Hanad ayaa ku soo beegmaya xilli dad xoolo dhaqato ah ay ku waxyeeloobeen sun ka soo butaacday Haan haatan ka hor ku soo caarisay xeebaha gobolka Jubada hoose, waxaana haaman noocan oo kale ah hore loogu arkay xeebaha Warshiiq iyo Mareeg, kuwaas oo dadka deegaanku ku guuleeysteen in ay ku aasaan dhulka hoostiisa si loo yareeyo waxyeelada ka dhalan karta.
HANAD Media Department