• Home
  • About Us
    • Mission
    • Vision
    • Core Value
    • Objectives
  • News and Events
  • Culture of Peace
  • Activities
    • Human Rights
    • Health
    • Education
    • Links
  • Photo Gallery
  • Somali
  • Contact Us
HANAD OO QABATAY SEMINAR XAALADDA KALA GUURKA EE DOWLADDA TFG
 
  Saturday July 09, 2011 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
MUQDISHO: Ururka Haweenka Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed [HANAD] ayaa Sea Food Sports Show ku qabtay Seminar ku saabsan Wadatashi ku saabsan xaaladda kala guur ee dowladda TFGda , waxaa ka soo qeybagalay aqoonyahano ka kala socda Ururada Bulshada Rayid Soomaaliyeed.


Ugu horeyn ujeedada Seminaarkan waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta [HANAD] Drs. Ruqiyo Cali Cabdulle, waxayna sheegtay in ay doonayaan in ay Ururada Bulshada Rayidku muhiim tahay inay yeshaan si hor dhac ah wadatashi ku aadan qaabka Xaaladda kala Guur TFG iyo qaabka ugu macquulsan ee ay bulshada rayidku u cabiri karaan hanaanka ugu wacan ee xaaladda kala guur.

"Seminarkan wuxuu horu-dhac u yahay Kulankan oo ay HANAD u qabanayso Buldhada Rayid si ay fikrad wanaagsan uga soo saaraan qaabka ugu wanaagsan ee xaladda kala guurka, waxaan rajeynaynaa in Seminaarkan waxyaabaha ka soo baxa ay noqon doonaan kuwo loo bandhigayo dowladda TFG" ayay tiri Drs. Ruqiyo.

Intaasi ka dib ka qeybgalayaasha Seminaarkan ayaa ka hadlay siyaasadda dalka iyo xaaladda kala guur iyo waxyaabaha iminka qaldan iyo waxyaabaha u baahan in la saxo, wadatashi iyo fikrado ishdhaafsi badan ka dib waxay halkaasi ka soo saareen qodobo wax ku ool ah oo kaabaya xaaladda kala guur ee TFGda waxaana ka mid ahaa.

· In xaaladda kala guur ee dowladda TFG loo maro si Dastuurka dalka waafaqsan.

· In xal degdeg ah laga gaaro khilafaadka ka dhex jira madaxada sare ee dowladda TFG.

· In Ururada Bulshada Rayid si deg deg u sameeyaan guddi culeys saar oo qeyb ka qaata xalinta khilaafaadka jira.

· In Ururada Bulshada Rayid Soomaaliyeed ay isku yimaadaan kulan wadatashi oo ku saabsan xaaladda kala guur iyo in Ururka HANAD gogosha ay dhigaan.

Waxaana ugu danbeyn Seminaarkan xiray Guddoomiye ku xigeenka HANADDahabo Sheekh Maxamuudoo sheegtay sida Ururkooda uga go`an tahay inay ka shaqeeyan Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed, waxayna ku celisay in Ururkooda deg deg u diyaarin doono kulan weyn oo ay Bulshada Rayidka uga wadatashanayaan xaaladan kala guur ee dowladda TFG.

HANAD Media Department

 
HANAD AREA OF WORK
 
- Empowering women
- Capacity building
- Peace and reconciliation.
- Women rights
- Awareness raising
- Community Development.
» Read More
 
OBJECTIVES
 
- To empower women to be able to participate current peace processes and reconciliation.
- To have capacity building to protect, defend their rights and participate political decision-making.
- To unite all Somali women in order their voices to be head.
- To engage gender equality, democracy and freedom of opinion.
- Creating platform to use dialogue and shifting the community from violence to non-Violent act and culture of peace
- To serve effected communities by civil to pay efforts to response the disaster by providing services, like: health, education, shelter, livelihood, etc.
» Read More
 
OUR MISSION
 
NGO mission statement indicates that our vision would be achieved through:
- Campaigning pace dialogue for all warring functions in Somalia, empowering women to participate country political process.
» Read More
 
OUR CORE VALUE
 
- Working in flexible manner.
- Collaboration with the target community as well as donors.
- Transparency, accountability, humanity, equality, neutrality, independence, integrity, respect, commitment, tolerance and general consensus in decision-making.
» Read More
 
OUR VISION
 
NGO vision statement points out restoring lasting peace towards sustainable women development capable of raising gender issues in a manner of empowering to unite women through education and leadership skills » Read More
 
© Copy Right Somali Women Peace & Reconciliation 2010-2021 All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.