![]() |
MUQDISHO- Kulan ka dhacay Xafiiska UNSOM ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid isugu jiray soo dhaweyn iyo isbarasho, kaasoo ay isugu yimaadeen Guddoomiyaha Ururka Haweenka HANAD Dahabo Sheekh Maxamuud iyo Waakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Key.
Guddoomiyaha HANAD MarwoDahabo ayaa warbixin kooban ka bixisay wadashaqeyntii UNPOS iyo HANAD, waxayna xafiiska cusub UNSOM ee uu hogaaminayo Key sheegtay inay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan haweenka u ololeeya nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Dhanka kale Nicholas Key ayaa soo dhaweeyay waxqabadka
Ururka HANAD, wuxuuna balanqaaday inay
wax-badan kala shaqeynayaan doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyahiin
Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.
HANAD Editorial News Desk